Somali News

Maxuu yahay qodobka cusub ee lagu soo daray ajandaha maanta ee xildhibaanada golaha shacabka?

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa lagu war-geliyey in Arbacada maanya ah uu jiro kulan la hor keeni doono illaa seddax ajende, welina waxaa jira tuhun weyn oo laga qabo in baarlamanku ku dhawaaqo mudo kororsi.

Ajendayaasha lagu war-geliyey xildhibaanada in la hor keeni doono ayaa kala ah:

1 –Cudurka Coronavirus. 2 –U Codeynta laba xubnood oo guddiga Madaxa-banaan  ee xuduudaha ku biiraya. 3 –Iyo U Codeynta Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Isniintii ayaa la baajiyey kulankaan oo markaas ay hor yaalleen labada Ajende oo hore, halka ajandaha seddaxaad dib looga soo daray.

Sabtidii la soo dhaafay xildhibaanada golaha shacabka ayaa isugu yimid kulan loo balamiyey, balse dood adag ayaa ka dhalatay ajendihii kulankaas, kadib markii xildhibaanada qaar ay ku doodeen in aysan jirin baahi loo qabo in ka hadalka Coronavirus la keeno fadhiga golaha, iyadoo guddigii loo xil-saaray aysan soo gudbisan wax codsi ah.  

Tuhunka ugu weyn ee hadda laga qabo kulamada golaha shacabka waa inuu dhaco mudo kororsi la sheegay inuu gadaal ka riixayo madaxweyne Farmaajo, isla markaana loo adeegsanayo guddoomiyaha golaha Maxamed Mursal.