Somali News

Maydka Mugabe oo maanta laga soo qaaday Singapore.

Muqdisho-KNN-Maydka madaxwaynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa diyaarad gaar ah waxa ay kasoo qaaday dalka Singapore  iyadoona lagu wado in galinka dambe ee maanta lageeyo magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe.

Madaxwaynihii hore ee Zimbabwe ayaa mudo lagu daaweenayay isbitaal ku yaala gudaha dalka Singapore kahor inta uusan isbuucii lasoo dhaafay dhimanin isagoo 95’sano jir ah.

Mugabe ayaa ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee dalka Zimbabwe kadib xornimadii ay qaateen sanadkii 1980’kii.

Ku dhawaad 40 sano uu dalka maamulayay’na sanadkii 2017’kii ayaa xilka laga tuuray.

Axadda soo socoto ayaa lagu wadaa in la’aaso balse wali macado halka lagu aasayo.

Ehelka Mugabe ayaa doonaya in lagu aaso tuuladii uu ku dhashay halka dowladana ay doonayaan in lagu aaso goob lagu aaso geesiyadii soo maray qaranka Zimbabwe.