Somali News

MD Farmaajo “Waxaan Xeer Madaxweyne ku joojiyay isbeddelada maamul iyo midka shaqaale ee hay’adaha dowladda.”

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo ka hortagaya ku takri-falka awoodda dowladnimada, musuqmaasuqa maamul iyo xadgudubka ka dhanka ah shaqaalaha qaranka, Madaxweynaha oo tixraacaya Xeerarka jiheynayey maamul wanaagga iyo ilaalinta danta guud ee uu soo saaray 18-kii Janaayo, 2018 iyo 7dii Ogoosto 2021, sidoo kale, isaga oo ka duulaya cabashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan isku dayada in isbeddel maamul iyo shaqaale lagu sameeyo qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda, iyada oo la ogsoon yahay xaaladda doorasho ee uu dalku ku jiro, Waxa uu soo saaray Xeerkan;

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.

2. Madaxweynuhu waxa uu baabi’iyey dhammaan wixii magacaabis iyo go’aan maamul ah oo taabanaya wax ka beddelka Hay’adaha gudaha ee dowladda iyo shaqaalaha Rayidka ah, laga soo bilaabo maalintii la dhaariyey Xildhibaannada Baarlamaanka ee 14-ka Abriil 2022.

3. Xeerkan Madaxweyne wuxuu baabi’inayaa isbeddelada maamul ee lagu sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ku-simaha Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Hay’adda Tayo Dhawrka Qaranka iyo xil ka qaadis kasta oo la sameeyay wixii ka dambeeyay taariikhda aan kor ku xusan.

4. Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xaasaasiga ah in xilalka iyo hantida dadweynaha looga faa’iideysto dano gaar ah iyo si aan u adeegayn danta guud ee dalka, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida iyo awoodda qaran.

5. Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

Qoraalkaan kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan la guudo gali doono doorashada Madaxweynaha dalka, xili dalka uu yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya iyo Guddoonkooda labada aqal.