Uncategorized

MD ku xigeenka Galmudug “Galmudug Xaaf maahan iyo Koox yar ee waa Umad dhan”

Cadaado-KNN-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo xalay shir jiraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa si kulal uga hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Galmudug.

Carabeey ayaa taageeray Baaqii Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ee ahaa in si deg deg Madaxda Galmudug ay Muqdisho ku yimaadaan si loo xaliyo Khilaafka u dhexeeyo hogaanka Galmudug.

“Galmudug maahan Xaaf waa Umad dhan oo u baahan Nolal iyo Cadaalad, Xaaf iyo Koox yar oo la socoto kuma tuman karaan Galmudug mana jebin karaan Sharciyadii aan degsanahay” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa Dowladda Soomaaliya ka dalbaday iney badbaadiso Galmudug, dhinaca Kale Beesha Caalamka ayuu ka dalbaday iney joojiyaan in Garab gaar ah ama dhinac ka mid Garabyada Galmudug ay dhaqaalo siiyaan.

Xaaladda Galmudug ayaa ka sii dareysa waxaana sii xumaanaya Xiriirka u dhaxeeya hogaanka Maamulka Galmudug ee Soomaaliya.