Somali News

MD Xasan Sheekh oo la kulmay Cali Guudlaawe & Axmed Qoor qoor

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dooran ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Guudlaawe oo booqasho ugu tagay Mdaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, isagoona u rajeeyay in Alle ku guuleeyo Masuuliyada Qaran ee loo doortay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug dhankiisa Axmed Cabdi Kaariye ayaa isna hambalyo iyo salaan ugu tagay Madaxweynaha cusub ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Waxa uuna eebbe uga rajeeyay in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ugu mahadceliyay Labada Madaxweyne ee Hirshabeelle iyo Galmudug booqashada ay ugu yimaadeen, isagoo bogaadiyay doorkii ay ku lahaayeen doorashooyinkii dalka ka dhacay.