Somali News

MD Xasan Shiikh oo markii u horreysay booqday Askartii loo qaaday Eretria

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii u horreysay booqasho ugu tagey kumanaan Askar ah oo saddex sano ka hor loo qaaday dalka Eretriya, kuwaasi oo walaac badan laga muujinayay xaaladooda.

Madaxweynaha ayaa waxaa kormeerka ku wehliyay Madaxweynaha Eretria, Asys Afawerki, iyaga oo kulamo la yeeshay askarta, kana warreysay Xaaladda ay ku sugan yihiin.

Sawirro laga soo qaaday Askarta oo aan helnay ayaa muujinaya Madaxweynaha oo ku dhex jira askarta oo wata Calanka Soomaaliya, kana qaadanaya Salaan Sharaf.

Xasan Shiikh ayaa ciidamada u rajeeyay in ay kamid noqon doonaan Xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaasna ay cududooda ku biirin doonaan nabadeynta iyo xasilinta dalka.

Askarta oo tiradoodu tahay ilaa 5,000 ayaa waxaa tababar u qaaday Maamulka Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana jiray walaac ay eheladooda ka muujinayeen Xaaladooda oo wararka sheegayeen in ay ka qeyb galeen dagaalo ka socday dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Eretria ayaa sheegay in ku hanweyn yihiin xoojinta xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal.