Somali News

Meelaha loo dalxiiso ee Magaaladda Paris oo cabsi darteed loo xiray

Muqdisho-KNN-Goobaha loo dalxiis tago eek uyaala Magaaladda Paris e Caasimadda Faransiiska ayaa laxirayaa wixii kadambeeya sabtiga xilli ay taagantahay Cabsi dheeri ah oo ku saabsan rabshado kadhalankara mudaharaadyadda Dowladda looga soo horjeedo ee “funaanadahajaaladda” la baxay.

Faransiiska oo dhan 89,000 oo ciidan Booliis ah watana Gawaari Gaashaaman ayaa la howl galin doonaa, meelaha ciidanka ugu badan la dhigi doono waxa ka mid ah Magaacadda Caasimadda ah, sida uu ku dhawaaqay Edouard Philippe.

Booliiska ayaa ku booriyay Tukaamadda qaar iyo Maqaayadaha in la xiro, sidoo kale waxaa Al-baabada loo laabi doonaa madxafyo dhowr ah.

Magaaladda paaris waxay marti galisay mudaharaadyadii ugu xumaa sabtigii lasoo dhaafay.