Somali News

Meydka wiil dhalinyaro ah saakay lagu arkay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Meydka wiil dhalinyaro ah ayaa saakay laga helay qayb kamid ah dhismaha Hotel Kuwait Palaza oo ka soo horjeeda Hotel Maka Al-Mukarama ee magaakada Muqdisho waxaana la aaminsan yahay in ay dishay Koronto.

Meydkaan ayaan ka muuqan jirkiisa wax dhaawac ah waxaana Ciidamada Booliiska ay u qaadeen xarunta CID ee dembi baarista Booliiska Soomaaliya.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliiska oo arintaan ka hadlay, sidoo kale Maamulka Gobalka ayaan wax war ah ka soo saarin meydka saakay lagu arkay magaalada Muqdisho.