Somali News

Meydad hor leh oo laga soo saaray goobihii lagu dagaalamay ee Guriceel

Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in maanta xaafadaha waqooyi ee Magaaladaasi laga helay meydad hor leh,kadib markii afartii maalmood ee la soo dhaafay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Galmudug iyo Ahlusuna uu ku dhexmaray magaaladaasi.

Goobjooageyaal ayaa KNN u sheegay in arkayeen Meydka dadki ku dhintay dagaaladii ka socday Xaafadaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xaalada magaalada Guriceel ayaa maanta ah mid degan, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta Magaaladaasi, xili Ahlusuna ay saakay gabi ahaanba ka baxeen magaaladaasi.

Dhinaca kale, taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudeey ayaa sheegay in guud ahaan ay xaqiijiyeen amniga degmada kadib dagaalo muddo Afar Maalin ah ka socday halkaas.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Guriceel ayaa sheegay in Bulshada degmada ay ka difaaceen Koox kusoo duushay oo dhibaato ku heeysay, wuxuuna dadkii ka barakacay Guriceel ugu baaqay inay dib u soo laabtaan.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudeey ayaa sheegay in cadaaladda la horkeeni doono cid kasta oo la Shaqeeysay xoogaga Ahlusunna.