Somali News

Meydad laga helay xeebta Boosaaso

Boosaaso-KNN-Labo caruur ah ayaa saaka meydkooda waxaa laga helay  xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Caruurtan inta aana meydkooda lasoo helin, ayaa muddo waxaa la weysanaa halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Burhaan Ismaaciil oo mid kamid ah caruurta ay baddu liqday waalid u ah ayaa sheegay in caruurtan ay muddo weysanaayeen, balse markii danbe lagu soo wargaliyay in laga helay meydkooda xeebta magaalada.

Kaluumeysatada Boosaasa ayaa soo helay meydka caruurtan oo baddu ku qariqmay xilli ay ku dabaalanayeen.