Uncategorized

Meydadka Ciidamada Uganda ee  ku dhintay Weerarkii ka dhacay Buulo Mareer oo dalkooda lagu aasayo

Muqdisho-KNN-Warbaahinta dalka Uganda ayaa baahiyay in maanta dalkaasi la geynayo meydadka 8 askari oo Ugandes ah kuwaasoo lagu dilay weerarkii Axadii ka dhacay degaanka Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose.

Wargeyska The Monitor ayaa qoray in maanta garoonka diyaaradaha magaalada Entebbe la geynayo meydadka 8 askari oo ku dhintay weerarkii Axadii dhacay.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa sheegay in galabta aas qaran loo samaynayo askarta ku geeriyootay Soomaaliya sida uu yiri.

Dawlada Uganda ayaa sheegtay  dhawr mar siyaabo kala duwan uga hadashay tirada askarta ay ku waayeen weerarkii Buulo Mareer ka dhacay, mar waxay sheegtay in 4 askari ay ku dhinteen halka saakana M/weynaha dalkaasi uu qiray in tirada askartooda ku geeriyootay weerarkii Al-Shabab ku qaadeen degaanka Buulo Mareer ay gaarayso 8 askari.

Al-Shabab waxay sheegteen inay dileen 59 askari halka warbixin lagu qoray wargeyska The Guardian ee ingiriiska kasoo baxana uu qoray in tirada askarta dawlada Uganda weerarkaasi uga geeriyootay ay gaarayaan dhawr iyo 40 askari.