Somali News

Meydadka xubno ka tirsanaa maamulka Beledxaawo oo lagu dhex arkay degmadaas

Muqdisho-KNN-Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa lagu dilay magaaladaas kaddib markii xalay guryahooda laga baxay.

Ilaa seddax ruux oo midu tahay haweeney ayaa maydkooda waaberigii hore  ee saakay lagu arkay  hudaha magaalada Beledxaawo, kuwaas oo dadka eheladooda ah ay sheegeen in xalay kooxo hubeysan ay kala baxeen guryahooda.

Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Beledxaawo ayaa KNN u sheegay in dadka la dilay ay kala ahaayeen Cabdi Cali Kaynaan oo ka tirsanaa maamulka degmada gaar ahaan qeybta maaliyadda, Xuseen Shariif Cabdulle oo isna ahaa guddoomiye waaxeed iyo Xabiibo Cabdiraxman Cali oo iyaduna ka mid aheyd Ururka haweenka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamada amaanka degmada Beledxaawo ayaa maanta howlgallo ka wada gudaha iyo daafaha magaalada, walina ma jirto cid loo soo qabtay falalkaas.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka dadkaas, waxaana arintaasi ay wal-wal badan ku abuurtay dadka reer Beledxaawo.