Somali News

Meydka Cali Khaliif oo Muqdisho la keenayo iyo baaritaano bilaawday

Muqdisho-KNN-Allaha u naxaristee meydka ra’iisul wasarihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Khasliif Galeyr ayaa maanta lagu wadaa in lasoo gaarsiiyo magaalada Muqdisho si aas Qaran loogu sameeyo.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ku yimid dib u dhaac maalinimadii shalay ahayd, taasi oo aan la ogeyn waxa sida rasmiga ah u sababay.

Sabtida maanta ah ayaa la doonayaa in magaalada Muqdisho lagu aaso marxuum Cali Khaliirf Galleyr, isla markaana ay ka qeyb gelaan madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheraadka badda Soomaaliya Cabdullahi Bidhaan Warsame oo qeyb ka ah guddiga uu ra’;iisul wasaare Rooble u magacaabay qaban-qaabada aaska Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in howshoodu ay u socoto sidii loogu tala galay, isla markaana meydaka marxuumka saacado kadib laga soo dejinayo Muqdisho.

Allaha u naxariistee marxuum Cali Khaliif ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku geriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.

Geerida marxuumka waxaa ka dhalatay hadal heyn kala duwan, hasa yeeshee qoyska marxuumka waxa ay dalbadeen in baarritaanno lagu sameynayo meydka.

Haatan waxaa la sheegay inay bilaawdeen baaritaano ay ka qeyb qaadanayaan dowladaha Itoobiya iyo Mareykanka, maadaama marxuumku dhalashadiisa labaad uu ka heystay dalka Mareykanka.

Waxaa xusid mudan in xubno kamid ah dowlad deegaanka Soomaalida ay habeen ka hor shaaciyeen in marxuum Cali Khaliif Galeyr uu u geeriyooday xanuunka Coronavirus.