Somali News

Meydka Gabar da’ yar oo lagu arkay Godinlabe

Cadaado-KNN-Deegaanaka Godinlabe ooo hoos taga degamada Cadaado ee Gobolka Galgaduud xaafad ka tirsan ayaa lagu arkay meydka Gabar yar oo la dilay.

Gabadha meydkeeda laga helay Godinlabe ayaa lagu Magacaabi jiray Sagal Garaad Axmed, waxaana la sheegay in meydkeeda uu ka muuqday jir dil loo geystay.

Ehelada Gabadha la dilay ayaa sheegay in aysan garaneyn cida dishay gabadhooda iyo sababta loo dilay toona, deegaanka Godinlabe oo uu ka dhacay falkaas ayaa qiyaastii 30-KM dhanka Koonfureed kaga beeganyahay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dhacdadaas oo ah mid ku cusub deegaanka Wali wax war ah oo ku aadan kamasoo bixin Maamulka iyo Taliska deegaanka Godinlabe.