Baydhabo-KNN-Alle ha u naxariistee Meydka Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Maamulka Koofur Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed oo ka mid ahaa dadkii Shalay ku dhintay Qaraxii ka dhacay Hotelka Naasa-hablood Labo ee degmada Xamar-weyne ee gobalka Banaadir ayaa maanta la geeyay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.
Waxaa lagu waddaa in lagu Aaso Magaalada Baydhabo sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed.
Maamulka Koonfur galbeed ayaa sidoo kale qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho ku weysay Mas’uuliyiin kale.