Uncategorized

Meydka qof la garan waayay oo maanta lagu arkay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Xaafada Nageeye ee degmada Kaaran ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu arkay meydka qof rayid ah oo la garan waayay.

Mid kamid ah dadka gegaanka oo la haday Idacada kulmiye islamrkaana soo arkay meydka, ayaa sheegay in qofkan meydka ah uu ka guban yahay qeybaha sare ee jirkiisa, waxaa sidoo kale uu sheegay in qofka meedka ah oo u muuqday qof la dilay maalin ka hor.

Goob joogayaasha ayaa tilmaamay in arintaan ay tahay mid qal qal xoogan ku abuurtay dadka deegaanka, isla markaana laama amaaanka ayey ku eedeeyeen in ay ka gaabiyeen sugida amniga degmada Kaaraan ee gobolkaan Banaadir.

Saraakiisha ciidamada amniga ee heer degmo iyo heer gobolka ayaa inoo suura galin in qadka telfoonka aan ku helno si aan wax ugu weydiino arintaan maanta lagu arkay Xaafada Nageeye ee gobolka Banaadir iyo eedeenta loo soo jeediyay ee la xariirka dhanka amniga.