Uncategorized

Meydka wiil ay soo tuftay Badda oo maanta lagu arkay Xeebta degmada Kaaraan.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada kaaraan ee gobalka Banaadir ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in ay saakay arkeyn meydka Wiil dhalinyar ah oo ay Badda soo tuftay.

Wiilkaan oo da’diisa lagu sheegay 14 jir ayaa laga helay Xeebta degmada kaaraan gaar ahaan agagaarka Xeebta Isbitaalka keysanay waxaana halkaasi ku arkay qaar ka mid ah Dadka Kaawada ka qado degmadaasi.

mid ka mid ah Dadkii arkay ayaa sheegay in aysan aqoonsan meydka wiilkaan, maalmo ka hor ayaa Xeebta liido sidaan oo kale waxay soo tuftay meydka Wiil dhalinyar ah oo da’diidsu lagu qiyaasay 18 sano jir.