Uncategorized

Michael Keating oo kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee Kharre.

Muqdisho-KNN-Ambassador Michael Keating Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ee Xukumadda Khayrre.

Kulanka sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa wakiilo ka socda QM, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta  Hey’adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya.

Waxaa kaloo kulanka lagu hadlay bixinta canshuuraha waajibka ah, sugidda Amniga, dib u eegista heshiiska SOMA iyo in wada jir looga shaqeeyo qorshayaasha guud ee labada dhinac.

Ambassador Michael Keating ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirada ee maanta la kulmay, keating ayaa si gaar ugu mahad celiyay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh oo la sheegay in uu shirka soo qaban qaabiyey.

Keating ayaa balan qaaday in QM ay si dhaw ula shaqeyn doonto hey’adaha kala duwan ee Dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Beyle oo kulanka ayaa ka dalbaday Madaxda QM in ay Dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadida Dakhliga Dalka oo la doonayo sannad kaan 2018 inuu ka badnaado sannadii horre.

Waa kulankii ugu horeeyay oo dhaxmara wakiilka Q.M. ee Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, kulankaasi oo looga hadlayay waxyaabihii u qabsoomay Wasiirada.