Muqdisho-KNN-Ergayga gaarka ee qaramada midoobe Michal keating oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu kaga hadlay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta degmada howl-wadaag ee gobalka banaadir.
Michal Keating ayaa waxaa uu ugu horey cambaareeyay weerarka, waxaana ku sheegay inuu yahay mid arxan daro ah,islamarkaana ay geysteen kooxo argagixiso ah sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Ergayga ayaa waxaa uu tilmaamay in caruur aan waxba galabsan la laayo ay tahay mid aad u xun,waxaa uuna ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatooyinka loo geysanayo caruurta.
“Qaraxa waxaa uu ahaa mid argagixiso ah,islamarkaana si arxan daro ah loogu dilay caruur dhiganaysay dugsi Qur’aan ku yaala xarunta degmada Howl-wadaag,waana cambaareynayaa falkaasi”.