Muqdisho-KNN-Kooxo hubeysay ayaa magaalada Muqdisho ku dilay mid ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koofur Galbeed.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahin Cali Xasan kaas oo lagu dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.
Kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta sida dadka deegaanka ay u sheegeen Idaacada Kulmiye.
Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay ka dambeeyeen dilalka dhowr qof oo ka mid ahaa Ergadii kala duwneed ee soo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya kuwaas oo lagu dilay Muqdisho iyo deegaano kale.