Uncategorized

Mid ka mid shaqaalaha Golaha shacabka oo caawa lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Rag hubeysan ayaa maqribnimadii caawa rasaas ku furtay gaari marayay Waaxda Horseed ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxay rasaastaas ku dhintay Cumar Dalxa Maxamuud oo ka mid ahaa shaqaalaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan qeybta Qasnajiga, sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray Cali C/laahi Cabdi oo la socday.

Waxaa weerarkaas ka badbaaday Haweeney iyo Darwalka gaariga kaxeynayay.

Dhanka kale warar kale oo ka imaanaya isgoyska Maana-booliyo ee degmada Shibis ayaa sheegaya in halkaas sidoo kale  lagu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada wadooyinka.

Maalmihii dambe ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo inta badan mas’uuliyadooda ay sheeganayeen kooxda Al-shabaab.