Somali News

Mid kamid ah Musharixiinta Doorashada Puntland oo shil ku geeriyooday

Kamid ah Musharrixiintii u taagnaa Xilka Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa saaka ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Laamiga dheer ee Boosaaso iyo Qardho.

Musharrax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Af-Gaduud) ayaa sida la xaqiijiyay ku geeriyooday shilka saaka ka dhacay degaanka Qayaadsame ee Gobolka Bari.

Marxuum Cabdicasiis Af-Gaduud ayaa ka soo kicitimay Boosaaso waxaana uu ku sii jeeday magaalada Qardho halkaas oo ay ka socotay soo dhaweyntiisa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah ayaa durba ka tacsiyeeyay geerida marxuum Cabdicasiis Af-Guduud.