Somali News

Midawga afrika oo xoojinaya taageerada ay siiyaan AMISOM

Muqdisho-KNN-Kulan amniga Soomaaliya looga hadlayay oo ay yeesheen midawga afrika, ayaa waxaa lagu sheegay intii kulankaa uu socday in la bilaabo doono weerar ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa la isla gartay in wax laga badalo qaabka ay u howlgalaan ciidamada AMISOM, korna loo qaado taageerada Midawga Afrika ay siiyaan howgalka Soomaaliya ka socda.

Ugu danbeyn waxaa la isla gartay in ka hor doorashooyinka soo socda Al-Shabaab gabi ahaanba dalka laga saaro, lana suuragaliyo in ciidamada Xoogga dalka ay la wareegaan amaanka Soomaaliya.