Somali News

Midowga Afrika oo maanta shir ugu furmaya dalka Murataaniya

Muqdisho-KNN-Madaxda Midowga Afrika ayaa maanta wuxuu shir ugu furmayaa magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania, waxaana halkaasi ku sugan dhamaan xubnihii kala duwnay ee shirkaasi ka qeyb galeysay waxaana xubnahaas ka mid ah wafdi balaan oo ka socda dalkeena Soomaaliya.

Wafdi ku sugan dalka Murataaniya ee ka socda Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada Nouakchott waxaana wafdigaan hogaaminaya Ra`iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Shirkaan ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika ee ka dhacaya dalka Murataaniya ayaa looga hadli doonaa arimo kala duwan oo ay ka mid tahay la dagaalanka Musuq maasuqa, wadaagida kheeraadka dalalka Afrika iyo qodobo kale.

Wafdiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Murataaniya ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la yeelan doonaan mas`uuliyiin kale ee shirkaan ka qeyb galaya, waxaana sidoo kale ay kala hadli doonaan arimo u aadan sidii kor looga qaadi lahaa xiriirka dalalka ay  mas`uuliyiintaas ka socdaan iyo Soomaaliya.

Shirkaan ayaa marka uu soo idlaado waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo kala duwan oo ku aadan wax yaabihii madaxda ay isla soo qaadeen.