Somali News

Midowga Afrika oo war ka soo saaray codsi DF u gudbisay oo la xiriira ciidanka ATMIS

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen xubnaha Golaha Amaanka iyo Nabadgaliyada Midawga Afrika ayaa looga hadlay codsi ka yimid dowladda Federaalka oo dhigaya in muddo kooban dib loo dhigo bixida Ciidamada ATMIS.

Golaha ayaa soo dhoweeyay soo jeedinta dowladda ee in la kala qeybiyo wejiga saddexaad ee bixitaanka ATMIS, kaasi oo la qorsheeyay in 2,000 oo askari dalka ka baxaan dhammaadka June baxaysa, iyo 2,000 kun kale oo baxaya dhammaadka September.

Sidoo kale, Midowga Afrika waxaa ay bogaadiyeen in ka dib bixida ciidamada ATMIS la billaabo hawlgal muddo kooban ah oo dawladda looga caawinayo dhammeystirka dadaallada la-wareegista amniga iyo dagaalka Al-shabaab.