Somali News

Midowga Europe oo Iran ka dalbaday in aysan jebin Heshiiskii Nuclear-ka

Muqdisho-KNN-Madaxa siyaasada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in jabinta Iiraan ee heshiiskii Niyukleerka ee lala galay 4 sano ka hor aysan ahayn mid muhim ah.

Federica Mogherini ayaa sheegtay in tallaabooyiinka ay Iiraan qaaday ay yihiin kuwa wax laga badali karo oo ay ka laaban karto.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa ugu baaqday dowladda Iiraan in ay dib ugu soo laabato u hogaansamidda heshiiska.

Waxa ay hadalkan ka jeedisay shirka wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka midowga Yurub Yurub.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo badbaadin lahaa heshiiska Niyukleerka ee Iraan lala galay,xilli xiisadda gobolka gacanka ay cirka isku sii shareerayso.

Ms Mogherini ayaa sheegtay in xaaldu aysan ahayn mid halis ah islamarkana arrimaha la maarayn karo.

Balse rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo ka hadlayay magaalada Tel Aviv, ayaa cambaareeyay dalalka Yurub iyo go’aankooda.

Waxa uu sheegay in dalalka Yurub aysan u muuqan khatarta ka imanaysa Iiraan.