Somali News

Midowga Musharaxiinta oo shaaciyey in aysan baaji doonin banaanbaxa Jimcaha

Muqdisho-KNN-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo wareysi siiyey BBC ayaa si adag uga hadlay go’aankii shalay ka soo baxay xukuumadda xil-gaarsiinta, kaas oo gabi ahaanba lagu diiday in wax mudaharaad ah lagu dhigo Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xubin ka ah golaha midowga musharaxiinta oo horay u iclaamiyey in Jimcaha soo socda ay taallada Daljirka Daahsoon ee Muqdisho ay ku qaban doonaan banaabax ka dhan ah madaxda mudo xileedkoodu dhamaaday ee dowladda federaalka.

Waxa uu sheegay in mudaharaadkaas oo ah mid nabadeed aysan baaji doonin, taas oo ka dhigan in musharaxiintu aysan u hoggaansami doonin go’aankii ay xukuumaddu ku dhaacisay in wax isku imaatin ah aan la ogolaa doonin.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale sheegay in shalay dibadbax lagu taageerayey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, koodana uu lamid yahay kan shalay dhacay.

“Markii ay dowladdu go’aankan ku dhawaaqeysay maalintii shalay magaalada Beledweyne waxaa ka dhacayay dibadbax lagu taageerayay madaxweynaha xilhayntiisu dhamaatay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, maxuu yahay sharciga fasaxaya dibadbaxa madaxweynaha lagu taageerayo ee diidaya kan looga soo horjeedo,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xukuumaddu go’aamisay in aan la qaban karin wax isku imaatin ah, sababo la xariira ka hor tagga faafitaanka cudurka Coronavirus oo aad ugu soo laba kacleeyey Soomaaliya.