Somali News

Midowga Musharixiinta oo MW Farmaajo ku eedeeyay Xiisadda Beledwayne

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa xiisadda ka taagan magaalada Beledwayne ku eedeeyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

WarSaxaafadeed ka soo baxay Golaha ayay ku sheegeen in Talyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ay iska dhaga tireen amarka Ra’iisul wasaaraha, isla markaasna ciidamo ku daabulayaan magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.