Somali News

Midowga Yurub oo iska diiday codsi kaga yimid Ra’iisul Wasaaraha UK

Midowga Yurub ayaa iska diiday in ay aqbalaan codsi kaga yimid Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson kaas oo ah in todobaadkan laqabto heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub.

Warbaahinta Britain ayaa warisay in Ra’iisul Wasaare Johnson ay ka go’antahay in Midowga Yurub uu ka baxo marka lagaaro 31’ka bishan October.

Gudiga Midowga Yurub ayaa sheegay in qorshaha cusub ee Ra’iisul Wasaare Johnson uu kaga baxayo Midowga Yurub uusan ahayn mid soo gaba gabeenayo qilaafkii ka taagnaa heshiiska, sida uu ku waramayo Sky News.  

Qorshaha wadahadal ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku doonayo in xal loogu helo xadka Ireland ma’ahan mid lagusoo gaba gabeen karo todobaadkan, ayuu yiri afhayeenka Gudiga Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa doonayo in Midowga Yurub uu ka baxo dhamaadka bishan heshiis iyo heshiis la’aanba.