Uncategorized

Midowga Yurub oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa war ka soo saaray xaaladda siyaasadda soomaaliya ay haatan mareyso iyagoo sheegay in ay muhiim tahay in la isu tanaasulo arrimaha muhiimka ah.

Safiirka soomaaliya u qaabilsan midowga Yurub oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa Twiter-ka ayaa waxaa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, waxa uu ay sheegay in ay dhiirrigelinayaan isu-tanaasul dhexmara hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa baaqyo isdaba joog ah ka soo saareysa xaaladda siyaasadeed ee haatan soomaaliya mareyso, ee ku aadan arrimaha doorashooyinka lagu muransansanyahay.