Uncategorized

Midowga Yurub oo lacag ugu deeqay Somalia si wax loogu qabto dadka ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe.

Muqdisho-KNN-Safiirka midowga yurub ufadhiya soomaliya ms foranika lorenza oo shir jaraa,id ku qabatay magaalada muqdisho ayaa sheegay inay ka xuntahay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen kaadi oo ka dhacay 14 bishaan isgoyska zoobe ee magaalada nuqdisho.

safiirka oo hadalkeeda wadata ayaa sheegtay inay ugu deeqeyso gudiga gurmadka abaaraha lacag dhan 100,000 Euro  kaasi oo ugu talagaleen in wax loogu qabto xaaladooda caafimaad dakii ku waxyeekoobay musiibadii zoobe ka dhacday.

“Aad ayaan uga xumahay musiibadii zoobe ka dhacday taasi oo gil gishay dhamaan qalbiyadooda dadka dunida ku nool iskabadaay soomalida qalbiyadooda,arintaasi waxey aheyd arin wuxuushnimo ah ficilkii argagaxnimada ahaa ee 14 bishaan octoober dhacday,inagoo arintaasi ka duuleyna waxaan ugu deeqnay hadaan midawga yurub nahay gudiga gurmadka lacag dhan 100,0000 Euro, taasi oo aaan ku dooneyno in lagu dabiibo dadkii wax ay ku gaartay qaraxii zoobe ka dhacay,dowladda soomaliya waxaan ka dalbaneynaa inay dadka ficilkaasi geystay inay soo qabato islamarkaana cadaalada horgeyso si looga gudo ficilkii wuxuushmimada ahaaa ee dhacay islamarkaana lagu waboojiyo dadkii waxyeeladu gaartay walbiyadooda.” Sidaasi Waxaa Sheegtay Safiirka Midowga yurub ee fadhisa Dalka Soomaaliya.

Deeqdan ayaa waxaa ku soo beegmaysaa kadib markii dhawaan 14 bishan uu qarax ka dhacay isgooska zoobe ee magaalada muqdisho,kaasi oo ay ku dhinteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Horey Dowlada Soomaaliya Waxaa ay Beesha caalamka ugu baaqday in loo wada gurmado dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe.