Somali News

Midowga Yurub oo markii ugu horeysay Haween u magacaabay Jagooyin Sare.

Muqdisho-KNN-Midowga Europe ayaa soo magacaabay Shaqsiyaadka hogaaminaya ururka waxaana markii u horreeysay Haweeneey loo magacaabay in ay noqoto madaxa Guddiga Midowga Europe.

Magacaabisteeda ayaa kagu tilmaamay Talaabo la yaab leh oo ay qaadeen Madaxda  Europe. Wasiirka Gaashaan dhigga Jarmalka Ursula von ayaa badeli doonta Jaan Kalowdh oo hadda hogaamiya Guddiga Midowga Europe.

Haweenka lamagacaabay waxaa sidoo kale ka mid ah Madaxa heey’adda Lacagta Aduunka oo loo magacaabay in ay hogaamiso Bangiga dhexe ee Europe.