Somali News

Miino baarayaal lagu dilay Afghanistan.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in maanta oo Arbaca ah kooxda Daalibaan ay waqooyiga gobolka Baghlan, ku dileen Toban ka mid ah shaqaale miina-baaris oo ka hawlgalayay gudaha dalkaas.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanistan, ayaa u sheegay Warbaahinta  in dagaalamayaasha Daalibaan ay galeen xarun ay leedahay hay’ad miino baaris ah oo ka hawlgala dalkaas, kuwaa oo toogtay qof dhamaan dadkii halkaas ku sugnaa.

Bilihii la soo dhaafay, Gobolka Baghlan ee Afghanistan, ayaa waxaa ka dhacayay iska hor imaadyo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Kooxda Daalibaan.

Dagaalada ka dhacay Baghlan ayaa sii kordhay tan iyo bilowgii bishii May, iyada oo ay socdaan qabanqaabadii ugu danbeysay ee bixitaanka ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan.