Somali News

Mike Pence oo soo dhaweeyay’ iskudayga senatarrada ay ku carqaladaynayaan natiijada

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa waxa uu soo dhaweeyay dedaal ay wadaan koox senatarra ah kaas oo ay ku diidayaan xaqiijinta guusha Joe Biden uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada.

11 senatarro iyo kuwa hadda la soo doortay oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, oo uu hogaaminayo Ted Cruz, ayaa waxa ay doonayaan in 10-maalmood la siiyo baaritaan ay tahay in lagu sameeyo eedo aanan kala sooc lahayn oo tilmaamayay in ku shubasho ay jirto.

Tallaabadaas ayaa la hubaa inay guuldarraysan doonto maadaama la filayo in inta badan senatarrada ay codkooda ku taageeri Mr Biden 6-da bishan Janaayo.

Mr Biden, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa lagu wadaa in xilka madaxtinimada loo caleema saaro 20-ka bishan Janaayo.