Somali News

Milatariga Israel oo toogtay sarkaal ka tirsanaa ururka Xamaas

Muqdisho-KNN-Milatariga Israel ayaa sheegay in ay dileen sargaal ka tirsanaa Ururka Xamaas oo ku soo dhawaaday siliga ay ku xireen magaalada Gaza.

War saxaafadeed ka soo baxay Milatariga ayaa lagu sheegay in laba nin oo saarnaa gaariga lagu amray in aysan u soo dhawaan balse ka dhaga Adeegeen.

Falastiin ayaa xaqiijisay in la dilay nin 28 jir ah oo lagu magacaabayay Maxamuud Al-Adam.

Toogashada ayaa ka dhacday bariga Beyt Xanuun.

Adam ayaa la dilay iyada oo u muuqday in uu la hadlayo laba caruur ah oo isku dayeysay in saliga ka Talaabaan.
Sargaal sare oo ka tirsan Xamaas oo lagu magacaabo Ciisa Diin Al-Qasam ayaa sheegay in sargaalkan la dilay xilli uu u socday Shaqadiisa.