Somali News

Milatariga Mali oo shaaca ka qaaday in ay soo dhisi doonaan dowlad KMG ah.

Milatariga dalka  Mali ayaa xukunka ka tuuray madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta, waxayna ballan qaadeen inay soo dhisayaan dowlad ku meel gaar ah kahor doorashooyinka cusub.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu madaxweynuhu ka soo muuqday telefishinka qaranka dalkaas kuna dhawaaqay inuu is casilay.

Isaga iyo ra`iisal wasaarihiisa ayaa iyagoo qori lagu hayo laga kaxeeyay caasimadda waxaana la geeyay xero milatari.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa cambaareeyay xukunka ay la wareegeen milatariga.

Urur-goboleedka Ecowas, ayaa isaguna ku dhawaaqay in la xiro xudduudaha dalkaas wuxuuna joojiyay ilihii dhaqaale.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa gelinka dambe ee maanta ka arrinsan doona arrintaas.