Somali News

Milatariga Soomaaliya oo howgal ka bilaabay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar

Jowhar-KNN-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanno dhowr ah, saaka ay howgal la bilaabeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Deegaanada ku teedsan wadada xiriirisa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayuu howgalku ka socdaa sida ay xajiiyeen dadka ku dhaqan deegaanadaa.

Taliska ciidanka ee gobolka Shabeelaha dhexe wali kama hadal howlgalkan ay ka bilaabeen deeganada kulaalaya wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii ina dhaafay waxa ay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadeen deegaanno hoostaga Shabeelaha Dhexe.