Somali News

Milatariga Soomaaliya oo qof shacab ah ku degmada Mahadaay ee Sh/Dhexe.

Mahadaay-KNN-Wararka ka imaanaya  degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya  in degmadaasi lagu dilay qof shacabka ah oo deganaa degmadaasi.

Qofka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cadiraxmaan Cadow Maxamuud .

Dilka Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa la tilmaamay inuu ka yimid  deegaanka Buurane, waxaa uuna ku soo jeeday beer uu ku lahaa degmada Mahadaay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.