Hobyo-KNN-Wararka kaimaanayo magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa soo sheegaya in maantamilatariga Soomaaliya ay ka baxeen deegaano u badan tuulooyin oo ay dhawaan kaqabsadeen Al-shabaab.
Deegaanada ay Ciidamada ka baxeen ayaa ka tirsan degmada Hobyo ee gobalka Mudug waxaana dhawaan qabsaday Ciidamada kadib duqeyn xoog leh oo maalmo ka socotay koofurta Mudug.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya iyadoo aan dagaal dhicin iney Ciidamada iska baxeen lamana oga sababta ka dambeysay bixitaankooda, Al-shabaab ayaa laga cabsi qabaan iney ku soo laabtaan deegaanada ay maanta ka baxeen Ciidamada Dowladda ee gobalka Mudug.