Somali News

Milateriga Soomaaliya oo sheegay in Bakool ay ku dileen dagaalamayaal Al-shaabab ah

Xudur-KNN-Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Gobalka Bakool ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhax-maray degaanka Ceel-lahelay ee Gobalka Bakool.

Degaanka Ceel-lahelay waxa uu katirsan yahay degmada Xudur waxaana la sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay dagaal muddo socday sida ay sheegayn Saraakiisha Milateriga Soomaaliya.

Gaashaanle Sare Warsame Maxamed ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ay dileen dhowr dagaalame oo katirsan Al-shabaab kadib markii ay soo wareerayn fariisin ay daganyihiin Milateriga Soomaaliya ee degmada Xudur.

Ma jirto cid kamadax banaan Saraakiisha Milateriga Soomaaliya oo xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay. Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in uu jiro khasaare labada dhinac soo kala gaaray.