Somali News

Militariga Israa’iil oo duqeeyay xeryo barakacayaal oo ku yaal Qaza

Milatariga Israa’iil ayaa weli si wada duqaymaha Gaza, iyadoo la filayo in Israa’iil ay qaaddo guluf milatari oo dhulka ah.

Ugu yaraan 25 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo cusub oo ay Israa’iil ka geysatay Qaza, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Falastiiniyiinta.

Militeriga Israel ayaa duqeymaha la beegsaday   xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Gaza, xerada qaxootiga ee Nuseirat oo ku taal bartamaha Gaza iyo waqooyiga magaalada Beit Lahia.

Sidoo kale, Saraakiisha gargaarka deg dega ayaa sheegay weli dad badan ay ku go’doonsan yihiin guryaha ku dumay.

Militeriga Israel ayaa weli wada duqeymaha ay ka fulineyso magaalada Qaza.