Somali News

Militariga Israel oo duqeymo khasaaro dhaliyay ka fuliyay gudaha Lubnaan.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in diyaarad dagaalka ay duqeeyeen labo goobood oo ay ku sugnaayeen ururka Xisbullah oo ku yaala koonfurta Lubnaan.

War qoraal ah oo uu soo saaray militariga ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala beegsaday fariisimo ay ciidamada ururka Xisbullah ku leeyihiin magaalooyinka Zibqin iyo Houla.

Ciidanka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay sidoo kale madaafiic ku garaaceen tiro aagag ah oo ku yaala koonfurta Lubnaan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xubno kale ka tirsan ururka Xisbullah.

Militeriga Israel sidoo kale waxaa ay sheegeen in khasaare dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyay ururka Xisbullah.