Muqdisho-KNN-Ciidamo badan oo tirsan milirariga dalka koofur afrika ayaa bilaabay in ay bartilmaameedsadaan soomaalida ku nool dalkaasi, inta lagu jiro bandowga saaran dalkan.
Qaar ka mid ganacsatada soomaalida ayaa KNN u sheegay in ciidamada militariga dalka koofur afrika ay bilaabeen in ay gidaha u galaan goobaha ganacsiga soomaalida, iyagoona jir dil iyo xariga u geysanaya.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ku dhawaad tobaneeyo siomaali ahagu xiray dalka koofurka afrika inta uu dalka saaran yahay bandowga.
Arintan ayaa dhibaato xoogan waxaa ay ku tahay ganacsatada siomaalida, iyadoona xiligan soo wajahday cabsi xoogan.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka dalka koofur afrika, taasi oo ku aadan in ay ka hadlaan jir dilka iyo xariga ay ciidamada militariga u geysanayaan soomaalida ku nool dalka koofur afrika
Soomaali badan ayaa xiligan waxaa ay ganacsi ku leeyihiin dalkan joofurka afrika, xili ay xusid mudan in madaxweynaha dalka koofur afrika uu sheegay in la kordhiyay bandowga saaran dalka koofur afrika