Somali News

Militariga Pakistan oo tijaabiyay Gantaal cusub.

Muqdisho-KNN-Militariga dalka Pakistan ayaa sheegay in ay ku guuleesteen tijaabinta Gantaal ah nuuca qaada dhuumaha hubka Niyukleerka.

Tijaabinta gantaalkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii uu wasiirka arimaha dibada Pakistan sheegay in lasoo celinayo wadahadalii kala dhaxeeyay dhigooda Hindiya.

Gantaalkan oo latijaabiyay maanta oo Khamiis ah ayaa militariga dalkaasi waxa ay sheegeen in uu gaarayo masaafo dhan 1,500km.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay militariga ayaa sidookale lagu  sheegay in ujeedka tijaabinta gantaalkan uu ahaa u diyaar garowga hawlgal ay fuliyaan ciidamada xooga.

Tijaabinta gantaalkan ayaa imaanaysa xilli horaantii sanadkan ay sara ukacday xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxysa Hindiya iyo Pakistan oo ah dalal daris ah kuna hubaysan hubka aadka wax u gumaada ee Niyukleerka.

26’kii bishii Febaraayo ayaa dowlada Hindiya waxa ay ka gaysatay gudaha Pakistan taas oo sara u qaaday xiisada ku salaysan colaada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa labada dal.