Muqdisho-KNN-Ciidanka amaanka ee Sudan ayaa weeraray mudaharadaadeyaasha demoqaraadiyadda doonaya eek u sugan banaanka xarunta ugu weyn ee military-gu ku leeyahay, Khartuum.
Rasaas nool ayaa la isticmaalay goobjoogeyaashuna waxay sheegeen in waxyeelo ay jirto. Dalka Sudan waxaa maamulayay gole military oo ku meel gaar ah tan iyo markii Cumar Xasan Al-Bashiirxilga laga tuuray.
Dadka mudaharaadaya ayaa dalbanaya Dowlad rayid ah oo la wareegta maamulka wadanka. Sacadihii hore ee isniinta maanta aha ayaa meeshii ugu weyneyd ee mudaharaadyo ka socdeen waxaa gacan u qaaday Ciidanka military-ga.
Dadka degan magaaladda Khartuum waxay sheegeen in ay rasaas culus maqlayaan qiicna uu ka baxayo xarunta ugu weyn ee Ciidanka.
Ugu yaraan Shan qof ayaa dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Waxaana jira baqyo loo jeedinayo military-ga oo ku saabsan in aysan shacabka waxyeelin.