Muqdisho-KNN-Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee gobobka Gado ayaa sheegay in ay qabteen gaari hub u siday Al-shabaab iyo raggii la socday, sida lagu baahiyay Idaacadda ku hadasha Afka Ciidanka.
Hubka waxaa laguy qabtay barkoontorool oo ku taala magaaladda Baardheere ee gobolka Gado.
“Hubka aan gacanta ku dhignay ayaa ka koobnaa 20 qori oo Beeka’Am Sanduuqyo gaarayo 55 ay ku jiraan rasaasta loo isticmalo qoryaha fudud iyo kuwa culus’’ ayey Idaacadda Codka Ciidamaddu kasoo xigatay Saraakiil military oo aysan Magacoodas sheegin.
Hubka la qabtay waxaa waday Sadax ruux oo Masuuliyiinta Ciidamaddu aysan warbaahinta usoo bandhigin, magacoodana sheegin.
Al-shabaab Gobolka Gedo waxay ku leeyihiin awood, dhul badan oo gobolka ka mid ah ayey sidoo kale ka taliyaan.
Al-shabaab sidoo kale gobolka waxay ka fuliyaan Weerarro qaarkood ay deegaanadda xuduudda ku qaadaan.