Somali News

Military-ga Sudan oo sheegay in Sharciga Islaamka lagu maamulayo wadanka.

Muqdisho-KNN-Golaha Milateriga Suudaan ayaa ku adkaysanaya in shareecada islaamka ay aasaas u sii ahaato sharciga cusub ee dalka.

Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa golaha u gudbiyay liis ay ku dalbanayaan dowlad ku meel-gaadh ah, kadib markii bishii Abriil xilka laga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashir.

Laakiin 10-ka xubnood ee golaha milateriga ayaa sheegay in ay “shaki badan ka qabaan” fikirka ay soo jeediyeen iyo mudaaharaadyaasha oo ka gaabsaday sharciga Islaamka.

Wadahadaladii u dhexeeyay milateriga iyo mucaaradka ayaan wax heshiis ah laga gaarin.

Dalabka dibad-baxayaasha ayaa waxaa milateriga u gudbiyay Isbahaysiga xorriyadda iyo isbeddelka ee (DFCF), oo ka kooban isbahaysiga qolyaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda iyo xisbiyada mucaaradka.

Arbacadii la soo dhaafay, Khalid Umar oo ah xubin ka tirsan isbahaysiga DFCF isla markaasna ah dadka ugu cadcad xisbiga Congresska Suudaan, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan diidmada nabadeysan ee ka dhanka ah xukumadda.