Somali News

Military-ga Suudaan oo ka digay Banaanbax dhiig ku daato oo ka dhaca dalkaas

Muqdisho-KNN-Ciidanka military-ga Suudaan ayaa ka digay in Banaanbaxa maanta la qorsheeyay uu dhiig ku daato, iyagoo sheegay in masuulyadda wixii dhaca ay qaadanayaan ururadda soo abaabulay banaanbaxa.

Kooxda ugu wayn mucaaradka dalka Sudan ayaa sheegaysa in ciidamada ammaanku ay u dheceen xafiis ay leeyihiin ayna joojiyeen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen dibadbaxyada looga soo horjeedo xukunka militariga ee maanta dhacaya.

Dibadbaxan oo loo bixiyey “socodka halka milyan ee qof” ayaa mucaaradku waxa ay uga soo horjeedaan diidmada militarigu uu diiday in uu xukunka wareejiyo wixii ka dambeeyey markii xilka laga tuuray Cumar al-Bashir.

Ururka Xirfadleyaasha Sudan (SPA) ayaa qoraal ay twitter-ka soo dhigeen ku sheegay in ay “canbaaraynayaan hab dhaqankan cabburinta ah”.