Uncategorized

Militeriga Namibia oo la fasaxay ka dib markii saad loo waayay.

Muqdisho-KNN-Kumanaan kun oo ka tirsan Ciidamada militariga dalka Namibia ayaa fasax loo direy kadib markii sida la sheegay loo waayay lacag loogu iibiyo raashiinka askarta loo kariyo.

Waxaa xitaa la waayay lacag lagu bixiyo biyaha, iyo korontada ee ku jira xerooyinka ciidamada Dalkaasi.

Askarta hadda fasaxa ku maqan ayaa lagu wargaliyay in aysan shaqada kusoo laabanin ilaa inta laga helaayo saad ayaga loo qorsheeyo.

Wasaaradda difaaca dalkaasi ayaa sheegtay in uu soo wajahay qalalaase dhaqaale kadib markii ay dowladda dhintay miisaaniyadda ciidanka ku bixi jirtay si loo yareeyo qarashka dowladda ku baxa.

Madaxweynaha dalka Namibia Hage Geingob ayaa sidoo kale saraakiisha dowladda horay ugu mamnuucay safarada ay u aadaan dibedda.

Madaxweynaha ayaa xitaa joojiyay isticmaalka diyaaradda gaarka ah ee madaxtooyada, isaga oo shirkii Midoowga Afrika ee dhawaan Addis Ababa ka dhacay ku aaday diyaarad shacab ah.

Waxa kale oo uu go’aansaday in uu safarada dibedda oo kaliya aado marka ay muhiim yihiin, una wato wafti aad u tiro yar.

Deynta lagu leeyahay dowladda ayaa korortay sanadihii lasoo dhaafay, iyada oo dadka maalgashayaasha ay ka digeen arrintaas…….