Somali News

Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo la wareegay deegaanka Shabeellow

Militariga Soomaaliya iyo ciidanka deegaanka aya la wareegay deegaanka Shabeellow ee gobolka Mudug , halkaasi oo ay hore ugu sugnaayeen Al-shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta tagay deegaanka Shabeellow oo ay dib u qabsadeen ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda federaalka oo is-garabsanaya.

Mas’uuliyiinta tagtay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Adan Gaboobe, isaga oo xaqiijiyay in hadda ay halkaasi ku sugan yihiin ciidamada xoogga.